DAAWO: INA AFDIINELE OO XIDHIIDHKA U JARAY QAADKII ETHOPIA, DALKA KENYA OO UU U GUURAY IYO CABSHADA GANACSATADII QAADKA EE LAASCAANOOD
July 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com)_ Ganacsade Cabdiraxmaan Caraale Jabuuti oo ah ganacsade qaadka keena magaalada caasimada u ah gobalka Sool ee Laascaanood ayaa waxaa uu si adag uga hadley khatar uu sheegay in ay ka dhalan karto diyaarad qaad sida oo ka soo degta garoonka diyaaraha magaalada Laascanood
Ganacsadahan ayaa waxaa uu sheegay in Ganacsadaha diyaaradan qaadka ku keena uu yahay Ganacsade Ina Afdiinle ama mulkiilaha Shirkada 571 taas oo ku tilmaamay in uu kula dagaalamayo nabad galyada gobalka Sool isaga oo xusay in shirkada 571 ay joojisay qaadkii ay ka keeni jirtay dalka Ethopia isla markaan dalka Kenya u guurtay