Aas Aasaha Xawaalada World Remit Oo Wax La layaabo Ku Tilmaamay Dhaqaalaha Ay Midowga Yurub Ugu Yabooheen Masiibadii Suuqa Waaheen Iyo Sida Loo Buun Buuniyay!
April 26, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aas Aasaha Xawaalada World Remit iyo Sahamiye foundation Ismaaciil Ahmed ayaa ka hadlay dhaqaale aad uhooseeya oo midowga Yurub sheegeen in ay kaga qayb qaadanayaan taakulaynta masiibadii gubashada suuqa waaheen ee magaalada hargaysa taasi oo uu sheegay in ay tahay mid aan uqalmin Somaliland ismarkaana ay gabi ahaanba qoraalkooda ku dafireen in haweenkii ay saamaysay masiibada waaheen aan cidi wax gar gaar ah ufidin xili ay sahamiye foundation ay dhaqaale sedex jeer ka badan qaadhaanka ay ku yabooheen uu gaadhsiiyay hooyooyinka ku ganacsatada suuqa waaheen kuwaasi oo dib ubilaabay ganacsigoodii.