“Cabdi Xaashi Marka Soomaali La Isku Daro, Waa Ninka Ugu Fog Ee Kasoo Horjeeda Gooni-isu-taaga Somaliland” Siyaasi Cali Guray.
April 27, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla xaalada geeska iyo siyaasada gudaha Somaliland ayaa sheegay in gudoomiyaha maanta loo doortay aqal sare ee somaliya cabdi xaashi uu yahay shakhsiga ugu fog dadka kazoo horjeeda madaxbanaanida Somaliland islamarkaana uu sicad uga hiiliyay Somaliland kaasi oo aan ka mudnayn uu hambalyeeyo xilka loo dooray,
