War Deg Deg Ah Xasan Sheekh Maxamud Oo Ku Guulaystay Madaxweynaha Dawlada Xamar Wareegii Udambeeyayna Kaga Adkaaday Farmaajo
May 15, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xasan Sheekh Maxamud oo hore usoo noqday Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya ayaa mar kale ku guulaystay caawa Madaxweynaha Dawladaasi kadib markii ay wareegii udambeeyay ee 3aad isugu soo hadheen Madaxweynaha hada xilka hayay ee banayn doona Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo isagu doorashadii 2017kii kaga guulaystay isla musharaxan caawa ka guulaystay Xasan Sheekh Maxamud.