berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Beesha Caalamka Udirtay Fariin Ka Dhan Ah Xisbiyada Mucaaradka
June 12, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fariin lagu baahiyay boga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayay xukuumadda Somaliland beesha caalamka ugu sheegtay in ay ka xuntahay khasaarihii ka dhashay mudaharaadyadii subaxdii Khamiista ay xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargeysa.

“Xukuumadda Somaliland waxa murug galiyay dhacdadii ka dhacday Hargeysa, halkaasi oo mucaaradku ay soo abaabuleen mudaharaado sharci daro ah, kuwaasi oo ka hor imanaya sharciga iyo qawaaniinta Jamhuuriyada Somaliland”.ayaa lagu yidhi fariinta.

Waxa kale oo lagu sheegay fariintan beesha caalamka loo diray in Somaliland ay ogtahay isla markaana qirsantahay taageerada beesha caalamku ka gaysato geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland.

“Ka wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Somaliland ahaan, waanu qirsanahay taageerada ay beesha caalamku ka gaysato habsami u socodka dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yidhi fariinta.

Waxay fariintu intaa ku dartay in xukuumadda Somaliland ay ilaalinayso nabadgalyada muwaadiniinteeda, isla markaana, ay ka go’an tahay sii wadista wadahadaladii u socday axsaabta mucaaradka Somaliland, mucaaradkana ay ku dhiirigalinayso in ay kusoo noqdaan.

“Ka dowlad ahaan waxaanu balan qaadayna nabada iyo badqabka muwaadiniintayada, waxaanu sii wadaynaa wadahadaladii socday, mucaaradkana waxaanu ku dhiirigalinaynaa in ay wadaan wadahadalada”ayaa lagu yidhi fariinta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews