Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kala Diray Komishanka Tamarta Somaliland
June 20, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa kala diray Komishankii Tamarta Somaliland, iyagoo sheegay in magacaabistoodu sharciga khilaafsan tahay.
Golaha Wakiillada ayaa madaxweynaha ugu baaqey in uu dib usoo magacaabo xubnaha Komishanka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan ay Komishanka Tamartu joojiyeen qiimo kordhin ay sameeyeen shirkadaha Korontada Somaliland, arrintaasi oo khilaaf ka dhex abuurtay Komishanka iyo Shirkaddaha Korontada.