Wax Ka Ogow Dhaqaalihii Loo Ururiyey Tartankii Quraanka Kariimka Ahaa Iyo Qadarkii Yaraa Ee Sacabka Loo Saaray Ardaydii Ku Guulaysatay!!! W/Q Axmed Cismaan Oogle
July 7, 2016 - Written by Berbera Today
Ilaahay subxaanahuu watacaala wuxuu aduunkan kusoo dajiyey kitaabki ugu qiimaha badnaa ku tubta samaawigaa ee uu usoo dajiyey anbiyadiisa, kitaabkaas oo ah kitaabka Quraanka kariimka ah, islaamkuna wuxu ina farey in aynu kitaabka kor u qaadno oo aynu ciseyno oo aynu kuna dhaqano. Jamuuriyada Somaliland shacbigeedu waa shacab 100% muslim ah jecelna diintooda, waxa jirey culimo reer Somaliland ah oo abaabuley guddi tartanka xifdiga quraanka kariimka ah si ay dhalinta soo koraysa ee dalkooda, si ay ugu barbaariyaan jaceylka diinta. akhriste waxa jirey guddi madax banaan oo ka koobna dhamaan culimada reer Somaliland iyo odayaasha dhaqanka iyo ganacsato kuwaas oo sanad kasta ardeyda waqtiga ramadaanta u qaban jirey tartanka xifdiga quraanka kariimka ah shacbiga reer Somaliland na waxa uu ka marag kacey kartidooda shaqo ee ay ku wadaan tartanka iyadooy u dheerayd hufnaan iyo daacadnimo wax la idhaahdo urur diimeedna way ka fogaayeen, hadaba sannadkii 2012-kii wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Abdilaahi Axmed oo sida la wada og soon yahay kasoo jeeda urur diimeedka xag jirka ah ee Al Ictisaam iyo koox afduubtey masaajidka ugu weyn ee magaalada Hargeisa oo katirsan urur diimeed xagjirka ah ee Al islaax iyagoo adeegsanaya awood ay ka fara maroojiyeen culimadii qunyar socodka ahayd ee maamulaysay tartanka xifdiga quraanka kariimka.