Xukuumadda Madaxweyne Siiraanyo Oo Hayadii Sirdoonka Ka Dhigtay Ciidan 4aad Shaqaalaheediina Darajooyin Ku Taxday
July 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Siiraanyo ayaa hayadii Sirdoonka Qaranka ka dhigay ciidan afraad ka dib markii uu dhawaan wax ka badalay qaab dhismeedkii madaniga ahaa(civilian) ee loogu talo galay inay hayadaasi ku shaqayso ee baaralamankuna ansixiyey iyadoo haatan noqotay hayad ciidan hubaysan ah (armed military organisation) oo xataa wax soo xidhi karta.
Isbadalkan oo la dareemay markii ay todobaadkan soo baxeen darajooyin ciidan oo uu madaxweynuhu ku taxay masuuliintii iyo shaqaalihii hayadaasi ka hawlgali jiray taasoo ay khubaro aqoon u leh sharcigu ku tilmaameen talaabo xadgudub ku ah distoorka Somaliland kaasoo qeexaya in dalku yeelan karo 3 ciidan oo kala ah Ciidanka Qaranka,Asluubta iyo Bilayska.Madaxda iyo shaqaalaha waqtigan xaadirka ah ka hawlgala Sirdoonka ka sakow ,dadka darajooyinka la siiyey waxa iyaguna ka mid ah masuuliintii hore ee hayadaasi ka soo shaqeeyey marka laga reebo Maxmuud Nuur Cismaan oo ah taliyihii ugu mudada dheeraa ee hayadaasi. Wali ma cadda sababta darajooyinka uu madaxweynuhu bixiyey looga reebay Maxmuud Nuur oo ka soo jeeda gobolka Awdal halka taliye ku xigeenka cusub ee Sordoonka Faysal Guhaad Cabdi laga dhigay Sareeye Guuto isagoon 2 sanadoodba dalka wada joogin..Mr Nuur ayaa qaab fool xun xilka looga qaaday markii uu madaxweyne Siiraanyo talada dalka kala wareegay madaxweyne Riyaale badhtamihii 2010.