Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Qoraa Cali Dool Axmed “Cali Qoryoolay” Iyo Sababta Xadhigiisa!
July 11, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa Maalintii ciidul adxa xabsiga utaxaabay qoraa/Siyaasi Cali Dool Axmed oo kamid ah dadka dhaliila xukuumada madaxwayne Biixi.

Sida Ay shabakada Wararka Ee Wajaalenews Uxaqiijiyeen Ehelada Qoraa Cali Qoryoolay Ayaa sheegay In Maalintii shalay oo Ahayd Maalin Ciida Ay ciidamo Dharcad Ahi xabsiga utaxaabeen qoraa iyaga oo ka qabtay xaafada jig Jiga Yar Gaar Ahaan agagaarka Kaalinta Indha Birta kuwaasi oo xabsiga utaxaabay isagoo hada ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa.