Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaranka Uu Ka Baxay Sheekh Aadan Siiro Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya”Daawo Muuqaal
July 15, 2022 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 14/07/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14/07/2022, dalka Hindiya.