Faysal Cali Waraabe waxa loo Haystaa Dilkii Dhalinyaraddii Uffo Iyo Basaasidii SNM, Halka Gudoomiye Cali guray uu Duurka u Galay Dib-u-xorayntii Dalka, Imikana waxay Tusaale u kala yihiin Xaq iyo Baadil!!!.W/Q Cabdifatax Cali Faarax
July 9, 2016 - Written by Berbera Today
Taarikhdu iyada ayaa is qortaa, beena ma sheegto, waxanay bulshaddu ka wada war-qabta shaqsiyadda wanaagsan ee uu ku suntan yahay Muj. Cali guray iyo sidoo kale, Taarikhda madow ee Faysal Cali Waraabe ku leeyahay Somaliland ilaayo Xilligii Halganka ilaayo waqti xaadirkan.
Taarikhdu iyada ayaa is qortaa, beena ma sheegto, waxanay bulshaddu ka wada war-qabta shaqsiyadda wanaagsan ee uu ku suntan yahay Muj. Cali guray iyo sidoo kale, Taarikhda madow ee Faysal Cali Waraabe ku leeyahay Somaliland ilaayo Xilligii Halganka ilaayo waqti xaadirkan.
Gudoomiye Cali Maxamed Yusuf (Cali guray) waxa uu muddo ku sugan labaataneeyo sanadood uu duurka ugu jiray sidii uu Somaliland uga xoroobi lahayd Cadowgii keligii taliye Siyaad Barre oo dhibaatooyin badan oo sameeyey dadkii dhalasho ahaan kasoo jeeday Somaliland, kaasoo banaanka ugu baxay halgan qadhaadh oo naftiisa uu ugu huray sidii la iskaga dulqaadi lahaa Xukunkii macan-gegea ahaa ma xishoode Siyaad barre. Waxanu Muj. Cali guray aakhirkii ku guuleystay inuu somaliland ay ku timaado dhiigisi iyo dheecaanka Saaxiibadiisi ku leeday Xoreyntii dalkooda.
Sidoo kale, markii Rag Halganka duurka u galeen, kuwo kalena (Ragga) waxay shaqo ka dhigteen inay cadowga u Basaasan Mujaahidiintii naftooda xoraynaysay, kuwaasoo ku markhaati furaayey Halgamayaashii SNM. Raga cadowga Dawladii Siyaad Barre u Basaasayey dhalinyaradii iyo Halgamayaashii waxa kamid ahaa oo weliba ugu cadcadaa, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Kaasoo Maxkamaddii Gaani kaga Markhaati furay dhalinyaraddii Uffo, oo markhaatigii uu ku furay Faysal Cali Waraabe awgii looga jaray qudha oo naftooda ku waayey. Waxa kaloo iyana xusid mudan inuu Faysal Cali Waraabe ahaa shaqsi Xukuumaddii Siyaad Barre masaariif ku siin jirtay inuu usoo Basaaso Mujaahidiintii SNM, waxana markhaatigiisa awgii loo dilay rag badan, waxana loo xidhay Haldoor kale oo kamid ahaa Xogagii SNM.
Haddaba, labada Nin ee Bulshadda Somaliland meeqaamka u jala jooga, waxay Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen u iskugu yihiin Xisbiga Xisbiga Ucid. Kaasoo dhowaanahan uu khilaaf ba’ani ka dhexeeyey, hoggaankiisa sare. Waxanay sidii caadada u kala ahayd labada shaqsi. Ay u kala baxeen xaq doon iyo baadil doon, waxana Gudoomiye Faysal uu u xuubsiibtay burburinta Xisbiga Ucid, halka Gudoomiye Cali gurayna uu banbaxay badbaadinta Xisbiga. Waxana gartooda lagu dhegeystay guddida Ururadda oo la filaayo inuu dhowaan soo afjaro khilaafka Xisbiga Ucid.
Faysal waxa uu Xisbiga u burburinayaa dhaqaale faro guudkood ah oo uu kasoo qaatay Muuse biixi oo isaggu ah Gudoomiyaha Kulmiye, isaggoo Faysal dafiray shurucdii iyo xeerarkii Xisbiga, isla markaana si badheedh ah ugu tuntay. halka Gudoomiye Cali gurayna uu heegan ugu jiro soo noolaynta Xisbiga iyo dhawrista shuruucdiisa. Waxanu dhexda u giijistay inuu xaq u diriir noqdo oo baadi goobo cadaaladda.
Faysal cali waraabe Diinta uu Haystaa waa Lacag, oo haduu arkoo Iimaankaba wuu beela, waxanu Dil hadii loo haysto uu sidii cadada u ahayd ku markhaati furayaa Caruurtiisa ama Gabadhiisa.
Balse, cali guray waa Mujaahidka keliya ee ka foggaaday laaluush iyo hanti boob midna, waxanu caan ku yahay inuu iska ilaaliyo Khiyaamada, beenta, munaafaqadda iyo dafiraadda indha adayga ma dhalayska ah. Muj cali guray waxa uu qaranka Somaliland kaga jiraa taarikhDahabi ah, ilahayna uu ugu hiiliyaa oo uu mar walba ku guuleystaa Muj. Caliguray. Halka uu faysal oo muddo dheer aoo ahaa khaayin horfadhiyaa xisbiga Ucid, uu isaggu noqday ma gudbe Siyaasadeed oo ilahay kashifay shaqsiyadiisa xun. La soco.
W/Q
Cabdifatax Cali Faarax
cabdifataax4144@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.