Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Oo Dhaariyay Xubnaha Guddida Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka”Daawo Muuqaal
July 21, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay 9 xubnood oo kamid ah Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka (National Health Professions commission), halka labada xubnood ee kala ah Guddoomiyaha Guddida iyo Ku-xigeenkiisa aanu wali muddo xileedkoodii ka dhammaan oo ay hore u dhaarsanaayeen..

