Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera Oo Safar Ukuurgalida Xaalada Nololeed Iyo Abaarta Kusoo Maray Deegaamada Bariga Iyo Gubanka Gobolka Saaxil
July 25, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka Gobalka Saaxil Iyo Kan Degmada Berbera Oo Ay Horkacayaan Guddoomiyaha Gobalka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxanud Xsan Cidin Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose Degmada Berbera Suhayb Maxamed Cali , Xubno katirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Dawlada Hoose Degmada Berbera Iyo Qaar ka Mid Ah Isu-duwayaasha Wasaaradaha Gobalka, Ayaa Safar Ugu Baxay Deegaamada Bariga Ee Hoos Yimaada Degmada Berbera.
Ujeeda Safarka Ayaa Daranaa U Kuur Galida Xaalada Nololeed Iyo Dhagaysiga Baahiyaha Aasaasiga Ah Ee Bulshada Ku Nool Deegamadaas Ay Doonayaan In Wax Looga Qabto, Sidoo kale Waxay Maamulku Xadhiga ka Jareen Mashaariico laga hirgaliyay Qaar ka mid ah deegmadaas ay Safarka ku marayeen, Halka mashaariico Cusubna laga dhagax dhigay.
Deegmaada Ay Maamulku Safarka Kusoo Mareen Waxa Ka Mid Ah
Beeyo-dhaadheer
Beeyo-gulaan
Xagal
Laasciidle
Xididaaley
Raaribuul
Baylahmale
Ceelbaxay
Qaraadh
Dhuxun
Hayeeti
Soobiye
Bahalaley
Ceeldaayeer
Dhibiijo
Biyooley
Burcokibir
Kalabaydh
Laalays
Safarkan Ayaa Sii Socon Doona Waxaana Lugu Wada Mari Doonaa Dhamaan Deegaamada Hoos Yimaada Degmada Berbera
Berberatoday.com