berberatoday.com
France Iyo Portugal: Ciyaarta Caawa Ee Finalka, Milicsiga Taariikhdooda Iyo Wararkii U Dambeeyey
July 10, 2016 - Written by Berbera Today

France vs Portugal 

Paris(Berberatoday.com)-Caawa ayaa la soo gebogebaynayaa tartanka Euro 2016 oo muddo bil ah ka socday waddanka France, waxaana ciyaarta u dambaysa ay dhex mari doontaa Portugal iyo France.

Ciyaarta: France vs Portugal

Wakhtiga: 10:00 PM – Wakhtiga Geeska Afrika

Portugal: Waxa dib ugu soo noqday garoomada oo ciyaari doona difaacyahanka Pepe oo dhaawac ku maqnaa ciyaartii u dambaysay ee waddankiisa ku garaacay Wales.

Tababaraha Portugal, Fernando Santos ayaa go’aan ka gaadhi doona Danilo iyo William Carvalho midka uu khadka dhexe ka ciyaarsiin doono, laakiin ciyaartoygiisu way u wada caafimaad qabaan.

France: tabababare Didier Deschamps dhamaan 23-kiisa ciyaartoyba way u wada caafimaad qabaan, cid ganaax kaga maqana ma jirto. Laacibka khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa kulankii u dambeeyey ee Germany qaybtii dambe ciyaaray kadib markii uu ka soo laabtay ganaax, hase yeeshee, waxa uu tababaruhu kala dooran doonaa Kante iyo Sissoko midka uu ciyaarsiin doono.

Xaqiiqada ciyaarta

Fool-ka-fool

  • France way guuleysteen tobankii ciyaarood ee u dambeeyey ee ay la ciyaareen Portugal. Rikoodhkoodu waa mid cajiib ah, 24 jeer oo ay wada kulmeen waxay badiyeen 18 jeer, 1 barbar dhac iyo 5 Portugal ay badiyeeen.
  • Markii ugu dambaysay ee France ay guul-darro kala kulmaan Portugal waxay ahayd sannadkii 1975-kii, wakhtigaas oo ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Paris ay 2-0 guushu ku raacday Portugal.
  • 10-ka ciyaarood ee aan laga badinin France, waxa ku jira saddex jeer oo hore oo ay ku kulmeen tartamada waaweyn oo dhamaantood ahaa semi-final. Michel Platini ayaa semi-fiinalkii Euro 84 ku garaacay Portugal, halka Zidane uu ka dhaliyey gool dahabi ah (golden goal) oo rikoodhe ah uu ku reebay Euro 2000. Mar kalena koobkii adduunka ee 2006 ayuu Zidane rikoodhe 1-0 ah kaga badiyey.
  • Labada wadan laba jeer ayey kulamo saaxiibtinimo wada ciyaareen labadii sannadood ee u dambaysay. France ayaa kulan dhacay bishii October ee sannadkii 2014 ku badiyey 2-1 ciyaar ka dhacday garoonka Stade de France oo ah madasha ay caawa u wada ciyaarayaan. Goolasha waxa u dhaliyey France labada ciyaartoy ee Bernzema iyo Pogba halka uu Quaresma goolka madiga ah u saxeexay Portugal. Kulanka kale oo bishii September ee sannadkan ka dhacay magaalada Lisbon, waxa 1-0 ay guushu ku raacday France, waxaana goolka u dhaliyey Mathieu Valbuena oo laad xor ah shabaqa dhex dhigay.

Portugal

  • Portugal waa waddanka ciyaaray kulamada ugu badan ee tartanka Qaramada qaaradda Yurub ee aan haddana tartanka waligii ku guuleysanin. 34 ciyaarood oo hore ayey soo ciyaareen marka laga reebo kulankooda caawa.
  • Waa waddankii ugu horreeyey ee gaadha finalka iyagoo kaalinta saddexaad kaga soo baxay group-kooda. Laba jeer oo hore ayey sidani ka dhacday Koobka adduunka, waxaana ku soo baxay Argentina 1990-kii iyo Italy 1994 waana laga qaaday koobka.
  • Portugal lagama badinin 13 ciyaarood oo uu tababare u yahay Fernando Santos. Siddeed ka mid ah sagaalka jeer ee ay guuleysteen waxay ku badiyeen hal gool oo kaliya.
  • Cristiano Ronaldo waxa uu laagtay 43 jeer laag xor ah (free kich), dhamaantoodna muu dhalinin.
  • Dhamaan sagaalka gool ee uu ka dhaliyey tartanka Qaramada Yurub, waxa uu kubadaha ka helay goolka hortiisa. Shan ka mid ahna madax ayuu ku dhaliyey.

France

  • France way guuleysteen saddex jeer oo hore oo ka mid ah afar final oo ay yimaaddeen Koobka adduunka iyo qaramada Yurub. Waxa kaliya oo laga qaaday koobkii adduunka ee 2006 oo Talyaanigu rikoodheyaal ku garaacay kadib markii ay 1-1 ciyaartu ku dhamaatay, kaadh casna loo taagay Zidane.
  • 18 jeer oo ay ku ciyaareen waddankooda ciyaaraha Koobka Adduunka iyo Kuwa Yurub midna lagama badinin. 16 kulan way guuleysteen labada kalena barbar dhac ayey galeen. Kulankii ugu dambeeyey ee waddankooda lagaga badiyey Tartanka Qaramada Yurub waxa uu ahaa sannadkii 1960-kii, waxaana semi-final ku reebtay Yugoslavia halka booska saddexaad oo berigaas la ciyaari jirayna ay Czechoslovakia ku garaacday.
  • Haddii Faransiisku uu badiyo, waxay u noqon doontaa markii 3aad ee ay ku guuleystaan tartanka qaramada Yurub, waxaanay la mid noqon doonaan Germany iyo Spain.
  • 13 gool ayey ciyaartooyada France dhaliyeen tartankan socda, 11 ka mid ahina waxay dhasheen daqiiqaddii 42aad ama iyadoo ku-dhow.
  • Rikoodhka waddanka goolasha ugu badan ka dhaliyey tartanka qaramada Yurub waxa haysta France. Sannadkii 1984-kii ayey dhaliyeen 14 gool, waxaana xiddigihii shabaqa la saaxiibay ka mid ahaa Michel Platini.
  • France sannadkii 2000 waxay ku guuleysteen tartankan, iyadoo lagaga horreeyey gool. Waxay ahayd ciyaar ay ku kulmeen Italy, waxaanay ku dhamaatay 2-1 guushu ku raacday France.
  • Antoine Griezmann ayaa noqonaya ciyaartoygii saddexaad ee dalkiisa ah ee kaligii ku guuleysta kabta dahabka ah ee tartankan, waxaana ka horreeyey oo kaligood hantiyey Just Fontaine koobkii adduunka ee sannadkii 1958 iyo Michel Platini Euro 84.
  • Didier Deschamps wuxuu noqon doonaa haddii ay badiyaan ninkii labaad eek u guuleysta tartankan isagoo tababare ah iyo isagoo ciyaartoy ahba. Waxa ka horreeyey Berti Vogts oo u dhashay Germany, kaas oo sannadkii 1972 ku guuleystay isagoo ciyaartoy ah, halka uu tababarenimadiisiina hantiyey 1986-kii.

France-vs-Portugal-636x360

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews