Sarkaal Katirsan Ciidanka Liyuu Booliska Oo Fashiliyay Halkuu Salka Kuhayo Dagaalka Alshabaab Kusoo Qaaday Deegaanka Somalida Iyo Waxa Sababay
July 28, 2022 - Written by admin
Mid ka mid ah saraakiisha Liyu Booliska deegaanka Soomaalida oo aan magaciisa sheegin oo wakaaladda wararka Reuters u warramay wuxuu sheegay weerarka Al-Shabaab inuu ka dhashay sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo damacsanaa inuu gudaha Itoobiya dhaqdhaqaaq ka sameeyo oo gudaha Itoobiya lagu dilay.
Ka hor inta uusan dagaalka billaabmin booliska gaarka ee deegaanka Soomaalida tuulada Hela-Madow oo ka tirsan Degmada Ceelkarri baaritaan ay ka sameeyeen waxay ku soo saareen hub noocyadiisa kala duwan oo meel ku aasnaa.
Wixi intaa ka dambeeyeyna booliska deegaanka waxay xabsiga u taxaabeen shaqsiyaad la sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab