Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Magaalada Hargaysa Ku Dilay Marxuum La Odhan Jiray Maxamed Cawil Saaxil.
August 1, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska JSL ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiigle Cabdi Cali Cismaan oo loo yaqaan (Fool) Oo xalay abaaro 11:00 Dilay marxuum la odhan jiray Maxamed Cawil Saaxil.
dilkan ayaa ka dhacay degmada Axmed Macallin Haaruun garahaan xaafadda Kaah ee Magaalada Hargaysa.
Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii , kuna jira hadda gacanta Ciidanka Booliska.
Ciidanka Boolisku waxa uu bulshada la wadaagayaa In gacan ku dhiiglaha la horkeeni doono sharciga.