berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Oo Xisbiyada Mucaaradka Uga Digtay Mudaharaad Lagu Khal-khal Galiyo Amniga
August 4, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed la yeeshay madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo maamulka caasimada Hargaysa, ayuu wasiirku ku faray in ay ilaaliyaan guud ahaan nabadgalyada, isagoo sigaara uga digay mudaharaadada mucaaradku qorshaynayaan.

“Cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay” warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday ayaa sida lagu yidhi.

Wasiirka Kaahin ayaa faray hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland, ayaa markale lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Shacabka ayaa dhinacooda loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada nabadgalyada ee ilaalinaya nabada, isla markaana ay ka fogaadaan cidkasta oo wada fal amni daro ah.
“Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi warsaxafadeeda.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku goodiyay in ay qaban doonaan mudaharaado, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la lahaayeen xukuumada.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews