“Maareeye Ahaan Waxan Ku Shaqeeyaa Siyaasada Madaxtooyada Somaliland Mana Jiro Khilaaf Ka Dhex Jira Madaxtooyada Iyo Dekeda Berbera” Maareyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxor
July 10, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maareeyaha Guud Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor-xoor), waxa uu jawaab ka bixiyay in Siyaasada Maamulkiisa ee Dekedda Berbera aanu dhinacna u dhaafsaneyn Siyaasada Madaxtooyada Somaliland oo uu ku hogaamiyo taasi Maamulkiisa Dekedda Berbera.
Warsaxaafadeed uu arintaasi kasoo Saarey Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor-xoor)Maareeyaha Dekedda Berbera oo uu kasoo saarey Xafiiskiisa Magaalada Berbera isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa Sidan:-
“Waxa Layaab Nagu noqotey Warka Been Abuurka ah ee uu Baahiyey Wargeyska Geeska Afrika (Maanta) shaley. Waxaanu cadeyneynaa in Warkaasi uu yahay Mid Xaqiiqda kafog Oo Aan Jirin.