Madaxweynaha Dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud Oo Fariin Usoo Diray Madaxda Qaranka Somaliland. Asxaabta Mucaaradka Iyo Shacabka
August 13, 2022 - Written by admin
“Reer Somaliland Walaalayaal Waxaad Caan Ku Tihiin Oo Aad Ku Faantaan In Aad Arimihiina Xalisataan Idinka Oo Kaliya “Madaxwayne Xasan Sheekh.
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay mudo haraadkii khasaaraha sobobay Ee dhacay Somaliland iyo khilaafka udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka isagoo ugu baaqay labada dhinacba in ay arimahooga wada hadal ku dhamaystaan islamarkaana aanay ka burburin wixii ay ku caano maaleen ee somaliya oo dhami kaga dayato.
Sidoo kale madaxwayne xasab sheikh ayaa madaxdhaqameedka culimada waxgaradka iyo guurtida Somaliland ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan sidii khilaafka loogu dhamayn lahaa is afgarad,