“𝗜𝗻 A𝗮𝗻𝘂 G𝗮𝗮𝗱𝗵𝗻𝗼 Y𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮, W𝗮𝘅𝗮𝘆 A𝗵𝗮𝘆𝗱 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗵𝗼 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱”Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka GALOOL Nuuradiin Ibraahim Awcabdi
August 14, 2022 - Written by admin
𝗜𝗻 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗴𝗮𝗮𝗱𝗵𝗻𝗼 𝘆𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗱 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗵𝗼 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱.
Nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland waa mid xidhan in laga soo dhex baxaana ay adagtahay ama la helo fursad siyaasiya, waxa ku xeeran caqabado waa weyn oo dabar iyo seeto ku ah, kuwaasi oo isugu jira kuwo sharci, kuwo dhaqaale, iyo kuwo qabiil salka ku haya, waxaana ka dabaalan kara oo kaliya inta ay gacanta ugu jirto awooda iyo khayraadka dalku. Taasina waxa ay mushkilad ku tahay dhalinyaradii, iyo haweenkii oo aan qaadan karin door hoggaamineed.
Haddii aynu xusno caqabadaha jira waxa ugu mihiimsan:
1- qodobka sagaalaad ee Dastuurka Jsl oo Xisbiyada Siyaasada ku soo koobay in ay noqdaan 3Xisbi oo kaliya, kana badan karin.
2- Xeer Lr. 14 Oo ku xidhay shuruudo adag oo is dabayaala si loo dhisi karo Xisbi Siyaasi ah, waxaana ugu weyn shuruudahaasi in la bixiyo
a) lacag xadigeedu yahay 156,000,000S/Shiling, una dhiganta $18400,
b) In gobolkasta lagu soo bandhigo 1000qof oo haysta kaadhka codaynta ama ka dhalashada kuwaasi oo ah madax taabasho.
3- Qadiyada qabiilka oo ah mid samayn weyn ku leh dhanka siyaasada Somaliland waxaana laga dhigay doorkii siyaasiga ahaa mid ku dhisan Saami qaybsi beeleed.
4- Dhaqaalaha oo ah qodobka ugu adag waa furaha dhaqdhaqaaqa siyaasigaa waana ka sabab u noqda xisbigii in qof iyo reer yeeshaan si ay awooda iyo maamulka dalka ugu gaadhaan, taasina waxa ay lumisaa madaxbanaanidii, qorshayaashii, isla xisaabtankii intaba awooduna waxa ay ku koobnaataa il kaliya oo ah ta laga helo resourceka wax lagu wado.
Caqabadahaasi kor ku xusani waa kuwo ay adag tahay in la dhaafaa, se waxa jira dad ay u fududahay oo sidaasi iyaga ugu badiso jaanisna u tahay waana sababta keenta in bulshada ay ku soo noqnoqdaan siyaasiyiin kooban oo kolba shaadh soo xidha, magacana soo bedesha.
Intii aanu wadnay barnaamijka Ururka Galool caqabadahaasi waxaanu kagaga gudubnay hal-adayg, ku dhiirasho, iyo Samir taasi oo aan ku macnayn karo isqarxin siyaasadeed.
Insha allaahu waanu sii wadi doonaa qormadan.
Waa aragtidayda iyo wixii aan la kulmay oo aan sii wadi doono.
Waxa Qoray Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka GALOOL Nuuradiin Ibraahim Awcabdi