berberatoday.com
Ururka Saxaafada Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Suxufiyiin Ku Xidhan Xabsiga Madheera
August 17, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xadhiga Laba Weriye oo Maalintii 7-aad ku xidhan Jeelka Mandheera.

Weriyeyaashan oo kala ah Axmed Zaki Ibraahim iyo Cabdinaasir Cabdi Nuur oo ka wada tirsan Telefiishanka Horyaal 24 oo Xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa, ayaa Ciidammada Boolisku xidheen 11-kii bishan August 2022.

Labada Weriye, ayaa Toddobaadkan loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera ee degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo shuruucda ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa cambaareeyay xadhigga labada Weriye.

Waxaanu sheegay in Suxufiyiinta oo la xidhay 11-kii bishan oo Mudaharaaddo ka dhaceen Hargeysa iyo Magaalooyin kale oo Somaliland ka tirsan, aan sifo sharci ah loo marin xadhiggooda, Maxkamadna aan muddadaa ay xidhan yihiin la hor-gaynin, sidaa darteed ay Cambaaraynayaan xadhiggooda, kuna baaqayaan in si deg-deg ah xorriyaddooda loogu soo celiyo.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews