Wasaraada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Cabdiraxmaan Ciro Ku Eedaysay Inuu Weftigii Maraykanka Ahaa Kula Hadlay Ereyo Qaranimada Somaliland Waxyeelo Ugaysan Kara.
August 18, 2022 - Written by admin
Wasaraada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Qoraalkan Ku Sheegtay In Cabdiraxmaan Ciro Weftigii Maraykanka Ahaa Kula Hadlay Ereyo Qaranimada Somaliland Waxyeelo Ugaysan Kara.
“Murashax CIRRO oo erey Qarannimada Somaliland wiiqaya u adeegsaday dhacdadii 11 bishan iyo Weftigii Maraykanka ee booqashada dalka ku joogay oo si togan uga falceliyey.
Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kulan la qaatay 16kii bisha wefti sare oo ka socday dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ka wada hadleen dhacdooyinkii 11 kii bishanka, kuwaasi oo murashax Cirro XASUUQ ku tilmaamay balse waxa arrintaasi iska fogeeyey Dr. J. Peter Pham oo ka mid ah madaxdii weftiga dalka Maraykanka ka socday oo sheegay inay mihiim tahay in laga fogaado luuqadda wax sii hurinaysa ee murashax Cirro adeegsaday sida XASUUQ, waxaanu intaasi raaciyey in illaa natiijo baadhitaan oo rasmi ah la sameeyo aan la aqbali karin isticmaalka luuqada wax sii hurinaysa.
Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ereyga Xasuuq (massacre) u adeegsaday mudaharaadkii dhawaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa muwaadiniin tiro badan oo JSL u dhashay ka xumaadeen in dhacdadan lagu tilmaamo xasuuq. Sida uu qeexayo Oxford Dictionary ereyga (Massacre) waa dilka tiro badan oo dad ah taasi oo loo adeegsan karo boqolaal iyo wixii ka badan oo si siman loo laayo.