berberatoday.com
Wariye Axmed Siciid Cige Oo Qoraal Ka Sameeyay Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday
August 18, 2022 - Written by admin
Abwaan Maxamed Ibraahim warsame {Hadraawi} taariikhdiisa
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame {Hadraawi} wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay miyiga gobolka togdheer 1943 , isagoo ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah . wuxuu ii sheegay in isagoo shan sano jir ahaa oo caruur ah markiisii ugu horreysay uu tix gabay afarrey ahayd uu tiriyay . adeerkii ayaa isagoo caruur ahaa hadraawi geeyay magaalada cadan ee dalka yemen . isla cadan ayuu ii sheegay inuu ku dhamaystay waxbarashadiisii malcaamada quraanka ilaa dugsiga sare .
Abwaan Maxamed Ibraahim warsame wuxuu ii sheegay oo kale in macallinkiisii quraanka ee magaalada cadan uu u bixiyay naaneysta HADRAAWI kadib markii uu ka yaabay ayuu yidhi sidaan ardeyda ugu sheekeeyo . hadraawi wuxuu kadib shaqo macallinimo ka qabtay cadan ilaa iyo sanadii 1967 oo uu dalka hooyo ku soo laabtay . Abwaan hadraawi intii uu joogay cadan ayay soo muuqatay hibada abwaanimadiisu isagoo ii sheegay inuu allifay riwaayad magaceedu ahaa HADIMO taasoo uu ii sheegay in lagu daawaday magaalada cadan 1965 . hadraawi markii uu somaliya ku soo laabtay wuxuu macallim ka noqday dugsigii hoose/dhexe ee lafoole ee afgooye , isagoo markii danbena macallim ka ahaa kulliyadii waxbarashada ee lafoole .
Xilligaasi oo ahaa sanadihii todobaatanaadkii ayuu aad u soo shaac baxay Abwaan Hadraawi oo suugaantiisii iyo heesihiisii jacaylka ahaa soo jiiteen dhegaha dadweynaha soomaaliyeed . kulliyada waxbarashada ee lafoole intii uu joogay hadraawi waxaa isaga iyo saaxiibadii Gaariye iyo saciid saalax wada curiyeen riwaayadii caanka noqotay ee Aqoon iyo af-garad iyo silsiladii gabayada ee siinlay .
Hadraawi wuxuu ii sheegay in markaasi ay bilaabantay in ciidankii nabadsugida ee dawladdii kacaanka ee somaliya ay isaga raad-guraan oo juuq-dhegeystaan suugaantiisa . jeelka magaalada qansax-dheer ee gobolka Bay ayaa loo taxaabay Abwaan Hadraawi April 1973 halkaasoo uu ku xidhnaa ilaa iyo horaantii 1978 .
Wuxuu ii sheegay in markii la soo daayay aanuu ka hadhin inuu tiriyo suugaantiisii dhinaca halganka , isagoo ii sheegay inuu xataa jeelka ku curiyay intii uu xidhnaa toban maanso oo ka hadleysay xumaanta keli-talisnimada . Hadraawi wuxuu kaloo ii sheegay in markii danbe bishii april 1982 ay isaga iyo saaxiibkii Gaariye iyo rag kale u tallaabeen dhinaca Ethiopia kuna biireen Jabhaddii SNM . xilal kala duwan ayuu hadraawi ka soo qabtay Jabhaddii hubeysneyd ee SNM ilaa iyo 1991kii burburkii dawladii dhexe ee somaliya . Abwaan Hadraawi mudadii u dhexeysay 1995 ilaa 1999 wuxuu ku noolaa Magaalada London , laakiinse markii uu ku soo laabtay Somaliland wuxuu sii waday suugaantiisii xagga bulshada , nabada , iyo diinta islaamka . waxaa lagu xusuustaa Abwaan Hadraawi socdaalkiisii Nabadda ee lugta uu ku soo maray dalka somaliya oo dhan ilaa iyo kismaayo .
Abwaan Maxamed Ibraahim warsame {Hadraawi} wuxuu ku guuleystay April 2013 abaalmarinta caalamiga ah ee uu sanad walba bixiyo boqorka dalka Holland Price Claus , taasoo la siiyo shakhsiyaad ama hay’ado wax ku soo kordhiyay dhaqanka ama bani’aadminimada .
Abwaan Hadraawi wuxuu sanadihii danbe ku noolaa magaalada Burco magaalo madaxda gobolkii uu ku dhashay .
AHMED SAID EGEH
HARGEISA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews