Daawo Muuqalka”Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Beeniyey Inuu Jiro Shir Ay Qabsanayaa Beelaha Garxajis .Shirkii Ka Dhacay Hargeisana Xisbiga Wadani Ku Eedeyey
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Ayaa Maanta Maruu Saxaafada La Hadlaayey Waxa Uu Sheegay Inaan Isagu Ku Dhawaaqin Shir Ay Iskugu Yimaadan Beelaha Garxajis.
Suldaanka Ayaa Sheegay Inuu Isagu Yahay Saldanadii Beelaha Somaliland Oo Aanu Ku Koobnayn Beelaha Garxajis Sidaa Daraadeed Anoo Somaliland U Suldaana Hoos Ugu Noqonmaayo Beesha Garxajis.
Shirka La Sheegay In Maalintii Jimcihii Lagu Qabtay Magaalada Hargeisa Anigu Waxba Kamaan Ogayn Waxana Ku Maqnaa Gobalka Awdal,Shirkaasina Waxa Soo Qaban Qaabinaaya Niman Ku Jira Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Iyagoo Iskaga Kala Yimi Dibadaha Dawlada Federalka Somaliya Waxana Shirkaasi Loo Wada Sidii Colaad Loogu Abuuri Lahaa Dadka Wada Dega Kilidhka Shanaad Ee Ethopia.