berberatoday.com
Ciidamada Mareykanka Ee Saldhiga Somaliya Oo Duqeyn Ku Dilay Dagaalyehano Ka Tirsan Al-Shabaab”
August 20, 2022 - Written by admin

Muqidisho(Berberatoday.com)-Taliska ciidamadda Mareykanka ee AFRICOM, ayaa ka hadley duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalku Axadii la soo dhaafay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Teedaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

AFRICOM, ayaa sidoo kale sheegtay inay weerarkaas dhanka cirka ku dileen ugu yaraan 13 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ayna jirin khasaare soo gaaray shacabka.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Howlgalkan, ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mareykanku intaasi ku daray inuu sii wadi doono la dagaalanka Al-Shabaab.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews