Wasiirka Maaliyada Somaliya Iyo Wakiilka Baanka Aduunka Uqaabilsan Bariga Afrika Oo Kulan Yeeshay Iyo Nuxurka Ay Kawada Hadleen
August 29, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Bariga Afrika iyo Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson.
Kulanka, ayaa lagaga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyaddeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diirrada lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda guud.