Al-shabaab Oo Ku Hanjabtay Inay Weerarro Ka Geysaneyso Gudaha Dalka Kenya
August 29, 2022 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Ururka Al-Shabaab, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha Kenya haddii madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto uu go’aansado inuu ciidamadiisa ku sii hayo gudaha Soomaaliya.
Hanjabaaddan, ayaa Al-Shabaab ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen oo ay daabaceen warbaahinta taageerta ururkaas.