Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Madaxweynaha Turkiga, Hoggaamintiisa Iyo Saamaynta Uu Caalamka Ku Leeyahay
July 11, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Rajab Dayib Ordogan haddii aan Dib u Milcsano Taarikhdiisa waxaa uu dhashay 26 February Sanadkii 1954 kii wuxuu ku dhashay Magaalada Istanbul, Yaraantisii waxaa uu ku soo barbaaray Qoys Diinta aad u yaqaan walow ay noloshoodu ahayd mid aad u adag taasina waxay keentey Ordogan in galina uu wax Barto Galina uu Suuqa ku iibiyo Xabxab.
Wuxuu noloshaa adag ku soo jiraba waxaa uu dhamaystay Dugsigiisii Sare kadib waxaa uu helay jamaacad isagoo Bartay Culuumta Dhaqaalaha, wixii waqtigaa ka dambeeyay waxaa uu noqday nin firfircoon oo siyaasadda Miisaan ku leh, waxay sameeyeen isaga iyo saaxiibadii dhawr Xisbi ka dibna way ka Burbureen. Wuxuu raftaba Waxaa uu ka mid noqday Xubnaha ugu muhiimsan Xisbiga uu haatan ka tirsan yahay ee Cadaalada iyo Horumarinta.