Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Laba Eedaysane Oo Dilal Loo Haysto
September 12, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdiqani Xuseen Maxamed Ina Baar Xuseen 38Jir. Ku eedaysan ina uu dilay 1 /9/2022 Marxuum Ibraahim Dayac Yaasiin , Ina Ardo Ismaaciil 40jir ah, dilkaasi oo ka dhacay Magaalada Darasalaam degmada Sabowanaag G. Maroodi Jeex.
Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal iyo dedaal ay sameeyeen saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay eedeysanahan , kuna jiro hadda gacanta Ciidanka Booliska.
Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa soo qabtay Eedaysane Nuur Cabdi Aw Yuusuf Ina Nadiifo Cismaan 45jir kuna eedaysan ina uu dilay 8/9/2022 Marxuum Cali Cabdi Aw Yuusuf ina Nadiifo Cismaan 40Jiir. Dilkaasi oo ka dhacay Tuulada Xorfada degmada Sabowanaag G. Maroodi Jeex.
Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta amniga in gacan bir ah lagu qaban doono.
Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska.
“Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha “.