Danab Dad Ku Laayay Magaalo Ka Tirsan Somaliland
September 16, 2022 - Written by admin
Oodweyne(Berberatoday.com)-Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Hal Qof, ayaa dhintay, halka Laba Qof oo kalena ay dhaawacmeen, kadib markii uu danab ku dhacay qoys 7 Qof ka koobnaa oo ku dhaqan deegaan u dhexeeya magaalooyinka Oodwayne Iyo Xaaxi ee Somaliland.
Danabkan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay gobolka Daad-madheedh, ayaa sababay dhimashada Hooyadii Qoyska, isagoona dhaawacay laba caruur ah, Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee cusbitaalka magaalada Oodwayne Dr. Mustafe Maxamed Biixi.
Agaasimaha Guud ee cusbitaalka magaalada Oodwayne Dr. Mustafe Maxamed Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in goobtii mashaqadu ka dhacday lagaga yimid saddex caruur ah iyo aabahood, kuwaasi oo jira da’da 2, 8 sanno iyo 10 sanno.