War-saxaafadeed: KULMIYE Oo Caddeeyay Mowqifkiisa Ah In Doorashooyinka Isa-saarka Ahi Xilligooda Ku Qabsoomaan
July 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, ayaa War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray waxa uu ku Caddeeyay Mowqifkiisa ah in Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilladu ku dhacaan Wakhtigii loo qorsheeyay.
War-saxaafadeedka KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay Madaxa Waaxda Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE Cali Jaamac Maxamed, ayaa lagu yidhi sidan, “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo mar walba xil wayn iska saaraya gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay waqti iyo dedaal badan ku bixiyeen dhammaystirka arrimaha dhankooda khuseeya ee doorashooyinka Somaliland si ay ugu qabsoomaan xilligooda ku astaysan 28 March ee sannadka 2017.