Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Dhalinyaro Camaradaha Qarsooni Qabteen Iyagoo Gubaya Meherad Ku Taala Magaalada Hargaysa.
September 21, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhawaan dab qabadsiinaayay ( gubaayay Meherad la yidhaa Djibouti ) oo badhtamaha Hargaysa ku taala,Sida Kamerada Qarsoon duubtay dhallinyarada oo ka koobnaa 4-afar ayaa dab qabsadsiinayay Meherada horteeda , waxaana gacanta lagu soo dhigay laba ka mida, Labadan Eedaysane ee gacanta lagu soo dhigay ayaa kala ah.

Taliska Ciidanka Boolisku waxuu halkan uga digayaa cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Nabadgalyada , waxyeellada hantida shacabweynaha JSL iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bira.
Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.
“Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha “.