berberatoday.com
Dhegaysiga Maanta Iyo Nuxurka Eeddo Cusub Oo Lagu kordhiyay Dacwad Madaxtooyadu Ku Oogtay Ogaal
July 12, 2016 - Written by Berbera Today

ogaalHargeysa(Berberatoday.com)-Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa bedelay eeddaynta dacwad Madaxtooyadu ku oogtay wargeyska Ogaal, isla markaana waxay soo saartay eeddayn cusub oo xambaarsan eedihii hore iyo qaar cusub oo ay ku soo kordhiyeen, taasoo dhegaysigeedda mar kale la muddeeyay 12 july.

Eedda cusub ee Xeer Ilaalintu soo gudbisayna waxay u dhigantay sidan; “ Ujeedo: Xaashida Eedda Sida Waafaqsan Qod: 70,71,75,XHC. 111 XHC.

  1. Eedda 1aad, waxa lagugu eedaynayaa dembiga ah faafin warar been abuur ah oo ku xusan Qod,328 XCG, sababtoo ah TR-24/8/2015 cadadkii soo baxay wargeyska Ogaal ee 2608 iyo 30/8/2015 cadadkii 2611 waxaad ku faafisay warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, adigoo cadadka hore ciwaan uga dhigay, Xarraaradda Berbera iyo Qayladhaanta Qorshaha Marwooyinka Awoodda ee Dhaxalwareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka, adigoo cadadka labaadna ciwaan uga dhigay, Sadex Qof Baa Boobkan Haamaha Shuraako Ku Ah, Madaxweyne Gurigiisa Laga Dilayana Ciddi Ma Badbaadin Karto, wararkaas oo ah qaar been abuur ah oo aanay waxba ka jirin sidaana waxaad ku gashay dembiga sare ku xusan.
  2. Eedda labaad waxa kale oo lagugu eedaynayaa dembiga ah aflagaado madaxweyne iyo qoyskiisa eek u xusan Qod-220 XCG, sababtoo ah cadadkii 2611 ee ku xusan eedda 1aad waxaad ku aflagaadaysay madaxweynaha iyo qoyskiisa adigoo qoray madaxweyne gurigiisa laga dilayo ciddi ma badbaadin karto, adigoo uga jeeday inaad ku dhaawcdo sumcadda iyo karaamadda, sidaana waxaad ku gashay dembiga sare ku xusan.
  3. Eedda 3aad waxa kale oo lagugu eedaynayaa fal dambiyeedka, dacaayad ka soo hor jeeda qaranka Somaliland eek u xusan Qod-215 XCG sababtoo ah labada cadad ee kor ku xusan waxaad qortay qoraalo been abuur ah oo aad ku dacaayadaynayso qaranka Somaliland kuna kicinayso dadweynaha si ay uga hor yimaadaan xukuumadda loona wiiqo amniga iyo xasiloonidda qaranka.

Haddaba waxaanu maxkamadda ka codsanaynaa inay noo mudayso, noona cayinto goorta iyo waqtiga la dhegaysan doono dacwadan, soona saarto talaabooyinka kale la xidhiidha dacwadan sida waafaqsan Qod: 75,79,80 XHC.”

Hase yeeshee wargeyska Ogaal wuxuu ku adag yahay kuna kalsoon yahay wararka uu faafiyay,  jiritaankooda iyo runnimaddooda, isla markaana wuxuu u arkaa dacwadan ciqaabta ah  mid qayb ka ah qorshaha aamusiinta saxaafadda oo xukuumaddani caadaysatay iyo duullaanka ay ku hayso xorriyada saxaafadda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta.       

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews