berberatoday.com
DP World, Siilaanyo, Cirro, Faysal, Muuse Biixi Iyo Mudda Kordhinta Xiisaha Laba Kaclaynta Xukuumadda
July 12, 2016 - Written by Berbera Today

“Doorashadayada Hala Horaysiiyo, Madaxweynahana Laba Sano Ha Loo Kordhiyo”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiiladda ayaa sheegay inay lama huraan tahay in Madaxweyne Siilaanyo loo kordhiyo laba sano oo kale marka uu dhamaado waqtiga ka hadhay mudda kordhintii hore, isla markaana wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo haddii la kala diro golahooda wakiiladda ee hadda jira.

Xildhibaan oo warbaahinta la hadlay wuxuu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; “Waxaanu u malaynaynaa in aanay is raaci Karin labada doorasho, markaa waxaanu door bidaynaa in taayada la horaysiiyo, oo Madaxweynaha laba sano loogu daro inta la samaynayo. Anagu muddo kordhin dooni mayno, waxaanu jecelahay in taayadda la soo horaysiiyo, anagu in badan baanu fadhinay, golahayaguna waa israacsanahay.” Xil. Nacnac  oo la waydiiyay su’aal la xidhiidhay warar sheegayay in Madaxweynaha loo kordhinayo laba sano, wakiiladdana la kala dirayo, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “ Waxba kama qabno haddii loo kordhinayo, waxyaabo badan oo qabyo ah buu qabyo tirayaa, waddadii Ceerigaabo ayaad arkaysaa, tii Baligubadle ayaad arkaysaa, tii Berbera ayaad arkaysaa, biriijyadii buu dhisayaa, taa waanu u baahanahay, hanala kala diro, oo laba sano haloogu daro isaga. Waxyaabo badan baa ka qabyo ah, ninkanna laga maarmi maayo, markaa waxaanu leenahay labadaa sano waa loo baahan yahay in loo kordhiyo madaxweynaha.”

Xildhibaan Nacnac wuxuu intaa ku daray oo uu ugu baaqay dadka deegaanadda bariga Somaliland ee diiwaangelintu ka bilaabmaysaa, inay is diiwaangeliyaan oo aanay luminin xuquuqdooda aasaasiga ah. Dhanka kale hadalkaa ka soo yeedhay Xil. Nacnac ee la xidhiidha inay muhiim tahay in muddo kordhin kale loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka horeeyay  oo hadal kaa la mid ah warbaahinta ku faafiyay Xil. Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Golaha Wakiiladda, isla markaana waxa isa soo tarayay maalmahanba hadal haynta barnaamijkaa mudda kordhinta. Geesta kalena diyaar la,aanta xeerkii  doorashada Golaha Wakiiladda iyo go’aan ka gaadhis la’aanta saluuga saami qaybsiga kuraasta oo ah caqabada hor taagan, ayaa loo arkaa hal xidhaale xilligiisii aan laga jawaabin, haatana waqtiga ka hadhay doorashada lagu luminayo. Sidaa darteed, waxa isa soo tarayay muddooyinkan dambeba aragti la xidhiidha in la kala qaado labada doorasho.

Dhinaca kale mashruuca DP World ayaa la tilmaamay inay suuragal tahay inuu galaafto dhicitaanka doorashada la muddeeyay March.2017, isla markaana loo arkaa inuu xukuumadda ku abuuray xiise iyo laba kaclayn loo tirinayo inay ugu raad gadanayso muddo kordhin hor leh.“Waxa nasiib darro ah ama nasiib wanaagba Mashruuca DP World isagoon weli dhulka u soo degin ayaa laga yaabaa inuu galaafto doorashadii mudaysnayd 28 March 2017, si ay ugu negaadaan kuraasida iyo awooda talada. Mashruucan ayaa xiise cusub iyo laba kaclayn ku keenay Xukuumadda, kaasoo xataa hadii cidiba aanay la hadal  80% ay u dhawdahay inay fashiliyaan siday horeba ugu fashiliyeen Mashruucii Sahanka Shidaalka ee GENEL.” weedhahaasi waxay qayb ka ahaayeen qoraal uu soo saaray Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid Cali Guray. falanqeeyayaal kale oo lafa gura arrimaha siyaasadda ayaa iyana qaba afkaar la mid ah taa Cali Guray, isla markaana rumaysan in waqtiga la bilaabay wadahadalka heshiiska lala wado DP World, uu fasir badan ka bixinayo ku talagalka tashiga aadamaha ee dabinka u sii dhiganaya  sedka beri iyo waxa dhici kara mustaqbalka. “Xukuumad muddo kordhin kooban ku joogtaa, awood sharci ma u leedahay inay gasho heshiis noocan oo kale ah? Halkii ay ka ahayd in lagu mashquulo diyaarinta doorashada, waxa loo jeestay DP World iyo jiho kale, Siilaanyo, Cirro, Faysal iyo Muuse Biixina jihadaasay u wada jeesteen, markaa haddii kordhini timaado yaa kordhiyay?” Sidaa waxa qaba akhriste lagu magacaabo Cali Maxamuud oo ka mid ah  akhristayaasha fikirkooda la xidhiidha mawduucan u soo gudbiyay Ogaal.

 

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews