berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Dhambaalkii Qadaafi Uu Udiray Xoghayihii Arimaha Debadda Maraykanka Ee Ahaa”Waan Ku Jeclahay”
September 25, 2022 - Written by admin
Qadaafi

“Haddii Boqoradda Britain ay in ka badan konton sano xukunka joogi karto, Boqorka Thailandna 68 sano joogo, maxaa aniga ii diiday?”

Kornayl Mucamar Al-Qadaafi oo su’aashan weydiiyey, waxa uu Liibiya xukumayey 42 sano.

Markii Qadaafi xukunka qabsanayay, waxaa socday dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka, Richard Nixon wuxuu markaasi ahaa madaxweynaha Maraykanka.

Intaa wixii ka dambeeyay ilaa uu Qadaafi xukunka ka degay, Mareykanka waxaa soo maray 7 madaxweyne halka Ingiriiskana siddeed ra’iisal wasaare ay soo mareen.

Qadaafi waxaa lagu afgambiyay kacdoon Liibiya ka dhacay 2011. Balse wuxuu xukunka qabtay sannadkii 1969-kii.

Hase yeeshee dad aad u yar ayaa og in Qadaafi uu ixtiraam weyn u hayey haweenka adduunka ugu saamaynta badan.

Lindsay Hilson waxa ay buuggeeda ku qortay, “Mar gabadh saxafiyad uu ku yiri dhamaadka waraysi ay ka qaadeysay – “ma u gudbin kartaa fariin aan u dirayo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Madeleine Albright”?

Dhambaalkaas waxa uu ku yiri  “waan ku jeclahay”. “Haddi aad adigana ila dareento, waxaad marka xigta ee aad telefiishanka soo hor fariisanayso soo xirtaa dhar midabkiisu cagaaran yahay.”

Condoleezza Rice, xoghayihii arrimaha dibadda ee George Bush, ayaa iyaduna saameyn ku yeelatay Qadaafi. Wuxuu si dadban ugu yeeri jiray ‘Amiiradeyda Afrikaanka ah’.

Rice waxa ay buugeedaa No Higher Honour ku qortay, “Qadaafi waxa uu martidiisa kula kulmi jiray teendho gaar ah, laakiin sannadkii 2008-dii, markii aan diiday in aan kula kulmo teendhada, waxa uu i geeyey gurigiisa, halkaas waxa la igu tusay sawirradeyda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka.

 

Qadaafi waxaa loo arkayay inuu ahaa nin maamulkiisu istiraatiiji yahay oo ay u dul qaadanayeen shacabkiisa in ka badan inta loo dul qaatay madaxda kale ee carabta.

Laakiin ma uusan ahayn hoggaamiye u janjeeray dhinaca dalalka reer galbeedka, sida madaxda kale ee carbeed.Markii uu xoogeystay kacdoonkii dalalka Carabta, dalka Liibiyana ay soo gaareen, Qadaafi wuxuu ka cararay Aqalkii Madaxtooyada.

Waxaa la sheegay inuu aad u xasuustay sidii adkeyd ee uu ula tacaalay fallaagadii ku kacday 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii.

Wuxuu geerida ula kulmay qaab bah-dil ah kaddib markii xoogaggii mucaaradka ee NTC ee ka soo hor jeeday maamulkiisa, ay heleen isagoo ku dhuumanayay biyo mareen dhulka hoostiisa ah.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshii korneel Qadaafi

Qadaafi

Ka dib dhicitaankii xukuumaddii Tripoli ee 28-kii Ogosto 2011, magaalada Sirte waxay sii ahayd mid ka mid ah goobihii ugu dambeeyay ee iska-caabbinta ay ka sameeyeen ciidamadii daacadda u ahaa Qadaafi.Saacadihii hore ee Khamiistii ee 20-kii October 2011, Korneyl Qadaafi, oo ay la socdeen ciidamo daacad u ah, ayaa go’aansaday in uu isku dayo in ay xoog ku galaan Degmo labaad.

Kolonyadii la socotay waxaa ku jiray wiil uu dhalay Qaddaafi oo lagu magacaabo Mutassim iyo madaxa ciidamada Abuu Bakar Yoonis Jabr. Labada nin ayaa markii dambe la sheegay in ay goobta ku dhinteen, isla markaana Meydka Mutassim laga tusay TV-ga Liibiya.

Qadaafi qudhiisa “inta badan waqtigiisa wuxuu ku qaatay akhrinta Quraanka iyo tukashada”, sida laga soo xigtay Mansuur Dhao, oo ahaa madaxixii Ilaalada Shacabka.”

Isgaarsiintii uu la lahaa adduunka waa la jaray: Ma jirin telefishan, waxaan u dhexayn jirnay hurdo iyo soo jeed. Wax la sameeyo ma lahayn.”Diyaaradaha NATO waxay markaas ku rideen kolonyada Qadaafi laba bambo, waxayna burburiyeen 14 baabuur, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof, waxayna ku qasbeen Qaddaafi iyo ilaaladii gaarka ahayd in ay dib u gurtaan, kuwaas oo dhammaantood badbaaday.

Waxay gabaad ka dhigteen dhisme ku dhow, laakiin waxay mar kale la kulmeen rasaas xooggan oo ay ridayeen maleeshiyaadka.Qof badbaaday ayaa markii dambe sheegay inuu arkay Qadaafi oo halkaas jooga, “isagoo xiran koofiyad iyo jaakad aan xabbadu karin, gacantana ku sita bastoolad.”

Mansuur Dhao ayaa ku qanciyay taliyihiisa in ay maraan waddada weyn iyagoo adeegsanaya tuubooyin biyo-mareen ah, waxayna rajaynayeen inay gaaraan goobaha ammaanka ah ee beeraha dhinaca fog ee magaalada Sirte.

Balse isla markii ay soo baxeen, maleeshiyaad ayaa ku yimid oo weerar ku billaabay. Ilaalada Qadaafi ayaa tuuray bam-gacmeedyo si ay isaga caabiyaan maleeshiyada, balse bambadii 3-xaad oo ay tuureen ayaa dib ugu soo laabatay, oo ku dhex qarxday waxayna bambadaasi dishay waardiyihii Qadaafi ee tuuray, taas oo xitaa sababtay in madaxweyne Qadaafi madaxa ka dhaawacmo.

Dagaalamaasha maleeshiyada ayaa ku soo daatay tubooyinka uu Qadaafi ku dhuumanayay, iyagoo ku rajo weynaa inay halkaas ka heleen Qadaafi.

“Waa xilliga uu Qadaafi aadka u xanaaqay. Wuxuu aad uga xanaaqay in isgaarsiin la’aan iyo koronto la’aan ay jireen. Awood uma uusan lahayn in caalamka kale uu la xiriiro,” ayuu yiri Mansuur.

“Markii xoogaa uu aamusnaadaba, wuxuu ina waydiinayay ‘Korontada maxaa ku dhacay? Biyaha maxay u go’an yihiin?”

Korneel Qadaafi iyo rag faro ku tiris ah ayay u suurta gashay in ay lug ku baxsadaan waxayna magan-galyo ka raadiyeen laba tuubo oo waaweyn oo biyo-mareen ah oo qashina uu ka buuxay inkastoo ay ciidamada fallaagada ay markaas xireen.

.

Waxaa xigay saddex daqiiqo iyo 38 ilbidhiqsi, oo aad xaaladda u adkayd: “Xaaladda waxay ahayd mid qasan,” ayuu qirtay taliyaha maleeshiyada deegaanka Khaalid Axmed Raacid. “Waxay ahayd goob aad halis u ahayd”.

“Waxaa la saaray afka hore ee gaari xamuul ah oo isku dayay inuu kaxeeyo balse wuu ka dhacay. Aad buu u jahawareeray. Dad ayaa timaha jiidayay oo garaacayay.”

Waxaan fahamnay in loo baahan yahay in maxkamad la saaro, laakiin qof walba isma xakamayn karin. Ugu yaraan laba saacadood, waxay u ahayd “hubaal ah inuu dhintay.”

Markaa ugu dambayntii Qadaafi waxaa la saaray ambalaas, wuxuu ka qawnaa qeybta kore waxaana muuqatay in uusan nooleyn, markii la keenay Misrata, oo ah safar ugu yaraan laba saacadood ah qaatay. “Dhab ahaantii wuu dhintay”.

Ka dib dunida waxay aragtay muuqaalka Mucaamir Qadaafi iyo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa. Waxaana weli geeridiisa ku gedaaman arrimo badan oo aan kala caddeyn sida ay u dheceen.

Sidee Qadaafi loo qabtay?

Korneel Qadaafi waxaa la qabtay xilli galab ah.Waxaa la aaminsan yahay in muuqaalka laga duubay laga dhex arki karay in xabad lagu dhuftay oo la dilay.

Telefishinka al-Jazeera ayaa xilligaas baahiyay muuqaallo laga arki karay Qadaafi oo jahwareersan, dhaawacna ah, iyadoo dagaalyahannadii mucaaradka ay dhulka ku jiidayeen.

Dagaalyahan ka mid ahaa mucaaradka, Salem Bakeer, wuxuu Reuters u sheegay: “Marka hore waxaa ku tuurnay madaafiic, balse way shaqeyn waayeen”.

Korneel Qadaafi

“Ka dib mid ka mid ahaa raggii Qadaafi ayaa soo baxay wuxuuna haatiyay gacantii uu qoriga ku haystay… Ka dib markii uu i arkay, wuxuu billaabay in uu xabado nagu soo rido. Waxaan u maleynayaa in Qadaafi uu ku amray in xabadda uu joojiyo. Ka dib wuxuu dhahay ‘Mucaamir Qadaafi halkan ayuu joogaa wuuna dhaawacmay'”.

Salem Bakeer wuxuu yiri: “Gudaha ayaan galnay, waxaanna bannaanka u soo saarnay Qadaafi. Wuxuu dhahayay ‘Maxaa khaldan? Maxaa Khaldan? Maxaad sameyneysaa?’ Ka dib waxaan saarnay gaari.”

Mid ka mid ah malleeshiyadaas ayaa weriyeyaasha tusay bastoolad dahab ah oo uu sheegay in Qadaafi uu ka qaatay.

Sawirro falanqeyn lagu sameeyay iyo muuqaallo laga qaaday xilligii ugu dambeeyay ee nolosha Qadaafi, waxay muujinayaan in gadaal laga geliyay qori ama middi.

Ka dib wixii dhacay iyo sidii uu u dhintay hoggaamiyihii Libya weli ma cadda. In kastoo taliyihii watay ciidankii qabsaday Qadaafi uu sheegay in gaari ambalaas ah uu ku dhex dhintay, wuxuuna ku dooday in uu u dhintay dhaawacyo rasaas soo gaaray intii dagaalka uu socday.

Balse nin sheegtay in dhacdada uu goobjoog u ahaa, wuxuu BBC u sheegay in xabad caloosha looga dhuftay Qadaafi. Waxaana jiro muuqaal laga arkay maydka Qadaafi oo lagu jiidayay jidadka Misrata.

Madixii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobeey ee sannadkii 2011, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo sidii uu Qadaafi u dhintay.

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews