|
berberatoday.com
Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Oo Soo Xidhay Wajigii Labaad Ee Macluumaadka Laga Rabo Ururada Siyaasada
September 29, 2022 - Written by adminMaanta oo ah Arbaca taariikhduna tahay 28kii September, 2022 waxaa, hadda, oo ay saacaddu tahay 05:00 galabnimo si rasmi ah oo si xidhmay Qaybtii Koowaad ee Wejiga labaad ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.
Qaybtan oo ay ururada siyaasaddu qabsanayeen Shirweynayaasha ururada siyaasadda isla markaana GDUS u soo gudbinayeen cadaymaha kala ah:
(1) Goobtii iyo Taariikhduu qabsoomay Shirweynahoodu.
(2) Liiska Xubnaha Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Magacyada Hogaanka Ururka siyaasadda ee la doortay waana inay 20% xubnaha loo doortay Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta yihiin haween.
Dhammaan Xubnaha loo doortay Hogaanka ururka, waxaa la soo raacinayaa macluiumaadka oo dhan
(3) Caddeynta in Ururku ku leeyahay laamo hawlgal ah lixda gobol doorasho iyo cinwaanadooda.
(4) Liiska ugu yaraan 1000 (Kun Qof) xubnood gobol kasta, kuwaaso haysta Warqadda Aqoonsiga Muwaadinimo ama Kaadhka Codbixinta
(5) Xeer hoosaadka Ururka, kaaso ay ku caddahay Ku dhaqanka dimoqraadiyadda, talo wadaag iyo maamul wanaag.
(6) Urur kasta waa inay xeerarkiisu waafaqsanyihiin Dastuurka JSL, Xeer Lr. 14/2011 iyo Xeerarka kale ee dalka.
(7) Dhammaan qoraalada iyo cadaymaha kor ku xusan waa in GDUS&AAQ loo soo gudbiyo midkiiba saddex (3) nuqul oo si rasmi ah u saxeexan, shaabadaysan, taariikhaysan isla markaana tixraac leh.
GDUS waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa dhammaan urur siyaasadeedyada u soo gudbiyey cadaymihii looga baahnaa ee shuruudaha qaybta koowaad ee wejiga labaad, waxayna gudageleysaa hubinta dhammaystirnaanta cadaymaha ay soo gudbiyeen ururada siyaasaddu.
Ugu dambayntii GDUS waxay dhowaan soo saari doontaa Jadwalka shaqada ee Qaybta Labaad ee Wejiga Labaad.
ALLaa Mahad leh
Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Axsaabta Qaranka
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||