“Dimuqraadiyadii Somaliland Gacanta Muuse Biixi Ayay Ku Dhimatay, Haka Filin In Doorasho Madaxwayne Ay Qabsoonto, Inta Uu kursiga Sharci Darrada Ugu Sii Fadhiyo”Cali Guray.
October 5, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Guray ayaa markale ka hadlay Damaca kursi jacayl ee madaxwayne biixi in aan lafilaynin in doorasho madaxwayne ka qabsoonta dalka inta uu kursiga kusii fadhiyo isagoo madaxwayne biixi ku eedeeyay in uu gacantiisa ku dhimatay dimuqraadiyii Somaliland.wuxuna sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogiisa oo udhignaa Sidan;
BELAAYOY BAYDH OO NAGA BAYDH HADII AYNU NIDHI CIDNA MAYNU HABAARIN EE INAGA AYUUN BAA DUCAYSANAY SAW MAAHA?
Dimuqraadiyadii Somaliland Gacanta Muuse Biixi Ayay Ku Dhimatay, Ha ka Filin In Doorasho Madaxwayne Ay Qabsoonto Inta Uu kursiga Sharci Darrada Ugu Sii Fadhiyo ee sankiisu neefsanayo. Cudur daar kale ma haysto oon ahayn: MADAXWAYNE LA DOORTAY MADAXWAYNE LA DOORTAY AYAA BEDELI KARA. DOORASHO MADAXWAYNE IN AY QABSOONTONA MA OGOLAANAYO.