TPLF oo Baaq Udirtay Beesha Caalamka
October 18, 2022 - Written by admin
Mekelle(Berberatoday.com)-Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya, ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabad joojin deg deg ah ay u wada gaadhi lahaayeen iyaga iyo dowladda Itoobiya ama inay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay barta Twitter-ka.