Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In La Soo Gabo Gabaynayo Dagaalka Gobolka Tigray
October 21, 2022 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigray-ga uu dhammaan doono, nabadna la gaari doonto.

Hadalkan ayuu jeediyay khamiistii mar uu furay xarunta horumarinta dadka leh hal abuurka ee dowlad deegaanka Oromia ee katirsan Itoobiya.