Haweenay Amaankeeda Aad Loo Adkeeyay Oo Kasocota Shirkada DP World Oo Xaqiiqo Raadisa Ahaan Loo Soo Diray Oo Bulshada Reer Berbera Ku Dhex Wareegaysa Maalmihii Udanbeeyay Iyo Maamulada Dawlada Oo Horkaacaya
July 13, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Hibo Maxamed Cabdilaahi oo Shirkada D.P. World U Qaabilsan Arimaha (Admistration And Human Resourses) Madax maamulka iyo arimaha Bin Aadanimada Haweenay Madax ka ah shirkada carbeed D.P. World ee xukumada Somaliland damacsan tahay inay ku wareejiso dekeda berbera ayaa saddexdii malmood ee ugu danbeey magaalada berbera kulamo kula qaadanaysay Qayabaha kala duwan ee bulshada iyadoo horkacayaan Xubno ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose Berbera iyo maamulkoodu. waxaana haweenaydani wadatay ciidan Aad U Badan oo Amaankeeda Sugayay Maadama Xaaalada magaalada berbera kacsan tahay cid kasta oo arimaha dekeda berbera ka hadlaysa ama lug ku leh ilgaara bulshadu ku eegayso.