Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ganacsiga Iyo Dalxiiska Somaliland Oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Isku Xidhka Africa Iyo Taiwan Oo Lagu Qabtay Magaalada Taipei.
October 22, 2022 - Written by admin
Tapie(Berberatoday.com)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska JSL Mudane Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman Ayaa hadal ka jeediyay Shirka Isku xidhka Suuqa Taiwan iyo Afrika oo lagu qabtay Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei. Shirkaasi Oo Ay kasoo qaybgaleen dawladdaha saaxiibka la ah dalka Taiwan iyo in ka badan 100 Shirkadaha dalka Taiwan ka mid ah oo xiisaynaya in ay xidhiidho ganacsi la bilaabaan Somaliland iyo dalalka Afrika.
![](http://www.wajaalenews.net/wp-content/uploads/2022/10/agaasimaa-wasaarada-ganacsiga.jpg)