Taiwan Oo Somaliland Uqodaysa Ceelkii Uhoreeyay Ee Shiidaal Ah Sanadka Danbe Ee 2023
October 23, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyinta Shirkadda Opic ee qodista Ceelasha Shidaalka ee laga leeyahay dalka Taiwan ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirka tamarta oo ay weheliyaan La-taliyayaasha Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxda safaarada Taiwan ee Hargeysa iyo La-taliyaha Wasiirka Tamarta iyo macdanta.
Qoraal ay maanta baahisay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay shirkadaas oo Somaliland ka qodaysa ceel shidaaleedkii ugu horeeyay 2023, balse lama sheegin goobta uu ku yaal ceelkaasi.
Dhawaan ayaa deeganka Baho dhamal ee degmada Salaxlay lagu arkay wax u eeg shidaal qaydhin, sidoo kale gobolada barriga Somaliland ayaa iyagana hore looga sameeyay daraasad la xidhiidha shidaalka ceegaga dhulka hoostiisa ee deeganadasi.