Xildhibaan Reer Norway Ah Oo Dhaliilay Nadaafadda Iyo Bilicda Caasimadda Hargeysa
July 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xidhibaan Ismaaciil Ibraahim Maxamed (Dr Maano) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Lillehammer ee dalka Norway iyo Wefti uu hoggaaminayo oo dalka booqasho ku yimid, ayaa ka dayriyay bilicda Caasimadda Hargeysa, waxaanu xusay inaan dadweynaha loo samayn goobihii qashinka ay iskaga basrin lahaayeen, waxaanu Dowladda hoose Hargeysa u soo jeediyay inay dhigaan haamaha xashiishka lagu basriyo, isagoo ugu horeyn arrimahasi ka hadalaya waxa yidhi.
“bilicda caasimadda Hargeysa maaha mid bilan, meel kasta waxaad ku arkeysa qashin daadsan, waxa wax lala yaabo ah caasimad aan lahayn goobihii ama Haamihii dadku xashiishka iskaga basrin lahaayeen, taasna waxaa u sabab u ah ayaan filayaa markii xashiishka ganacsi laga dhigay oo lagu wareejiyay shirkado gaar loo leeyahay, waxaan Golaha deegaan ka Hargeysa u soo jeedinayaa inay magaalada ka suurtagaliyaan haamihii xashiishka lagu basrinayay”.