Ganacsatada Xoolaha Dhoofiya Ee Somaliya Oo Sheegay In Wali Alshabaab Ka Qaado Cashuurtii+ Goobaha Lagaga Qaado!
November 18, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ganacsatada Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Inay Alshabaab weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu Yeedheen sakaawaad iyo cashuur.

Qaar kamid ah ganacsatadan oo la hadlay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in Alshabaab lacagahan uga qaadaan meel aan ka fogayn aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyo suuqa bakaaraha.