berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Bah-dilaad Badheedh Ah Kula Kacay Madaxweyne Siilaanyo, Kana Boobay Roogii Casaa Ee Lagu Sii Sabootiyey Iyo Layaabkii Ku Habsaday Masuuliyiin Iskugu Jira Wasiiro, Xoghayayaal Iyo Protocool Xummidii Shalay+Daawo Sawirada
July 15, 2016 - Written by Berbera Today

Muuse RoogHargeysa(Berberatoday.com)-Shalay galinkii danbe intii aanu dalka ka dhoofay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa qaybta V.I,P-da Madaarka Hargeysa ka dhacay Fadeexad Protocool xummo tii uu weynayd, taasoo uu Madaxweynaha Qaranka Axmed Siilaanyo kula kacay Musharraxa Xisbigiisa Muj. Muuse Biixi Cabdi, kaddib Markii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isku qanciyey, Rooggii Casaa ee lagu sii sabootiyey Madaxweynaha dalka oo dalka dhoofaaya.

Waxana Roogii Casaa Cagta Isaggu saari waayey Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxana isagu dul luggeeyey Marmarka shacabku maraan. Kaddib markii Gudoomiye Muuse ku laafyooday Roogii Madaxweynaha. Arrintaasoo fajac iyo amakaag ku noqotay Masuuliyiintii ku sugnaa Madaarka Hargeysa gudihiisa, oo ay kamid ahaayeen Wasiiro uu ku jiro Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada. Sidoo kalena waxa in badan isku dayey inuu Rogga Cas u banneeyo Muuse Biixi Madaxweynaha Qaranka Axmed Siilaanyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo isaggu marar badan isku dayey inuu xataa Farta wax ugu sheego.

Muuse Iyo Siilanyo

Balse waxan arrintaa inaba isaggu dareensanayn Muuse Biixi oo isaggu isku qanciyey Roogga Cas madaxweynihiina u diidan oo tallaabo kastaa oo uu qaado la garab gelaaya. Si kastaba ha ahaatee Muuqaalladda Sawiirka Protocool xummadda ah ayaa noqday Fadeexad iyo aqoondarro Siyaasadeed oo haysaa Gudoomiyaha Xisbiga Kumiye Muuse Biixi Cabdi, waxanay Sawiirkaasi saameyn taban iyo mid togganba ku yeeshay bulshadda isticmaasha Baraha Bulshadda ee loo yaqaano Facebook. Waxanay wax ahaayeen sidan ka muuqata Sawiirkan.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews