“Ma Laga Yaabaa In Hadda Sida Ay Wax Noqdeen Uu Muuse Yidhaa!! Cali Guray
December 2, 2022 - Written by admin
Ma Laga Yaabaa In Hadda Sida Ay Wax Noqdeen Uu Muuse Yidhaa “الرحوع الي الحق فضيله”
Mawqifka ugu saxsan doorashada ururada/xisbiyada waa ka Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe waana in loo noqdo Xeer Lam. 14 2002 oo ahaa shantii sanadoodba in doorashada dawladaha hoos ku tartamaan xisbiyo/ururo, sadexda xisbi ee ku soo baxaana ay noqdaan Xisbiyo Qaran muddo shan sanadood ah. Waana aragtida urur siyaasadeedka HALGAN ilaa hadda uu qabo. Urur ahaan waxanu aaminsan nahay in labada doorasho loo kala horqabto sida ay u kala horeeyaan . Xukuumadda dambe ee madaxwaynaha ku soo baxa doorashuna (hadii aanu noqon Kulmiye oo keenay Shirqool Lam-14 2011)ay sixi karto qaladkii Kulmiye. Ilaa haddana rejadaasi way nagu jirtaa oo may dhimanin. Madaxwaynaha xilka ugu dambeeya Muuse Biixi dhibaatada ugu wayn ee sugaysa ayaa waxay tahay toosinta wixii uu qaoociyay Kulmiye muddo ka badan 12 sanadood.