berberatoday.com
Hoos Udhac Weyn Oo Ku Yimid Qiimaha Guud Ee Lagu Kireeyo Kontinarada Badeecadaha Lagu Soo Guro
December 7, 2022 - Written by admin
Muhiimadda adeegyada “logistics-ka” ee dhinaca badu u leeyihiin ganacsiga iyo horumarka ayaa labadii sano ee u danbeeyey aad u muuqanayay. Qiimaha kontaynarada oo aad u kacay iyo helidooda oo cidhiidhi gashay, dekaddo xidhmay, dalabkii dadka iyo suuqa (demand) oo ka sare maray alaabtii la heli karayay (supply) kadib COVID19, iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa dhamaantood saameyn muuqata ku yeeshay nolasha aadamaha.
Maraakiibta oo daabulay in ka badan 80% ganacsiga aduunka; koradh ku yimid qiimahooga iyo helidooda oo yaraatay ayaa door ku yeeshay sicir-bararka, cuno yaraanta iyo kala go’a silsilada sahayda (supply chain) – Kuwaas oo dhamaantood ka mid ah astaamaha qalalaasaha caalamiga ah ee hada jira.
Qiimaha guud ee kirada kontaynarada oo mudo qaali ahaa ayaa lixdii bilood ee u danbeeyey aad u hoos ugu soo dhacay. Dhawrkii todobaad ee u danbeeyeyna waxa aad u sii jabay qiimaha kirada lacag bixinteedu degdega tahay (spot rates), iyada oo ay suurtagal ah in ay gaadhaan qiimihii guud ee caadiga ahaa ka hor COVID19.
Kontaynarada ka imanaya Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub ee u socda Afrika ayaa qiime ahaan ka jaban marka la barbar dhigo kuwa imanaya qaaradaha kale ee Asia, Koonfurta Marayankan iyo kuwa Afrika ka tagaya ee isla Afrika u socda, kuwaas oo iyaguna u kala qaalisan siday u kala horeeyaan.
Dhinaca kale, waxa iyaguna rubucii danbe ee sanadkan jabay qiimaha (xamuulka) maraakiibta daabusha firilayda iyo alaabaha dabacsan (dry bulk carriers). Walow sanadkan horaantiisii qiimahooga oo sareeyey uu kaalin ku lahaa koradhkii dalabka qiimaha ee cuntada. Waxase cajiib ah in taasi aanay saameyn weyn ku yeelan wadamada dhaqaalahoogu hooseeyo, maadaama aanay toos u soo dhoofsan firilayda, bedelkeedase loo soo dhoofiyo raashinka laga sameeyo firilayda.
Xanibaadihii COVID19 loo adeegsaday waxa ka mid ahaa in dalal badan ay xidheen tiro ka mid ah dekaddahooga, iyadoo ujeedkoogu ahaa in dekaddo dhawr ah uun la iskugu geeyo awooda farsamo iyo itaalka shaqo ee markaa la helayay. Taasi waxay sababtay in maraakiibta iyo containarduba wakhti ka badan kii awel ku qaataan dekaddaha, kuyuuga oo ku dheeraday darteed. Markaa, maadaama wakhtiga dal alaab lagu geyn karo iyo ka lagaga soo qaadi karoba ay kordheen, waxa la kordhay lacagta kirada ee kontaynarada iyo maraakiibta.
Wadamada badankooda, intii u dhaxaysa 2019 iyo 2021, ku xidhashada dekaddaha (shaqada) ee marakiibta kontaynarada qaada ayaa hoos u dhac ku yimid laba dhanba, tirada guud ee maraakiibta iyo marka la isbarbardhigo jadwalkii qorsheysnaa ee dekaddaha iyo maraakiibtii ku xidhatay. Farqiqa ayaa si gaar ah u ugu sareeyey Wadama Afrika ee Saxaraha ka Hooseeya iyo Jasiiradaha Bad-weynta “Pacific-a” ku yaala, maadaama ay maraakiibtu doorbidayeen dekaddaha dalabkooda iyo macaashkooduba sareeyo. Dhinaca kale, waxa kordhay maraakiibta kontaynarada qaada ee si buuxda (qaadkooda) oo dhameystiran loo raray, iyagoo korodhkoodu ahaa 51% ka hor COVID19, halka uu 60% ka ahaa 2021 iyo 2022.
Ugu danbeyn sanadkan,
《》 Dalka Qatar ayaa kaalinta koowaad ka galay, dekaddaha u adeega Maraakiibta Waaweyn ee qaada Saliidda Caydhiin (VLCCs), waxayna halkii daqiiqaba rari karaan 260 tone oo saliid caydhiin ah.
《》Dalka Brazil ayaa isaguna kaalinta koowaad ka galay, dekaddaha u adeega Maraakiibta Daabulla Firilayda iyo Alaabaha Dabacsan (Bulk Carriers), iyagoo awoodda in halkii daqiiqo ku raraan 78 tone oo firilay ah.
《》Halka dalka Sucuudiga dekaddihiisuna ay kaalinta koowaad ka galeen, dekaddaha u adeega maraakiibta kontaynarada qaada. Iyadoo sidoo kalena, Dekadda King Abdalla ee Sucuudigu kaalinta koowaad ka gashay qiimeyntii Bangiga Aduunka, 2021 ee Sumadda Waxqabadka Dekaddaha Kontaynarada u Adeegga (CPPI), taasi oo bishii todobaad ee sanadkan la soo saaray.
— Abdirahman Mohamed Ibrahim
Email: cabdiraxmanmid@gmail.com
© UNCTAD Review of Maritime Transport 2022

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews