berberatoday.com
Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iga danbi Dhaaf!. Qaybtii 1aad W/Q Fuad Fartaag
December 14, 2022 - Written by admin

Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iga danbi Dhaaf!. 

Qaybtii 1aad Waxa Qoray Fuad Fartaag 

Qormo qoraalkan Hal ku dhigiisa ama cinwaankiisa waxa dhici karta in dad uu xanaaq geliyo oo ay ka fiigaan, waayo Soomaali waa Magac ay isku yaqaanaan Qoomiyad tiro badan oo muslin ah, sidaa aawadeed waxa ay is odhan karaan malahay waa nin Ajo-nabi ah ama sooraac ah oo magaca qoomiyadeena xajiimaynaaya, Runtii waxa aan ahay nin Degalka Dadka Soomaalida lagu sheegaa uu Dagalkiisii yahay oo Afka Af-soomaaliga lagu sheegaana uu Afkiisii Hooyo iyo Aabo uu yahay, Soomaalinimana waa’ ama wakhti ayaa jiri jirtay aan laabta u garaaci jiray oo aan ku dhaadan jiray oo sidii heestii odhan jirtay “Soomaali baan ahay Sanku neefle ma ogoli inuu iga saraynkaro” aan Runtii anoo hanqalka iyo afkaba taagaaya si niyad-lakac, Han-wayni, qab iyo laab garaac leh ugu tiraabi jiray tulucdaa iyo Arraaro la Hal maala oo cuddaynaaya Soomaali-nimada, Hadaba Waxa isweydiin Mudan Maxaa keenay Waxaan ku dhaadan jiray in aan hadeer eebe ka magan sado?. 

Horta Hal ama odhaah iswaydiintu maxuma se Hub isweedaarsigaa xun, ma ihi ruux Jinsi-doorsoomay oo shisheeye noqday, se raacdayn iyo raadis dheer oo aan u galay Afka iyo dhaqanka ayaan kala kulmay fajiciso igu kaliftay in aan Illaahay magansado oo aan ka magansado Magacii Soomaali ee aan Ab iyo Isir sheeganaayey!, sikastaba ha ahaatee arin ama rayi aan kala hufay, kala haadiyey, oo aan shaandheeyey ayaa aan la Qormo Qoraal imid, ee laab lakac, Hubsiimo-daro iyo Tadhookh in aan Tiraab-Qore uma qalin qaadan, ee Bal Garri Allay taqaanaa oo Gar loo wada Tol  Guurtina loo wada ehe’, qormooyinkaygan dhugta oo Qoraalkayga dhuuxa si rayiga ay xambaarsan yiniin uu idiinku duxo oo raadridmo ama isku fahano, Cidkasta oo rayi celin iyo Dood  qabtana waan soo dhawaynayaa ee qalinka khadka hakala masuudina. 

Erayga Soomaali ama Soomaal muxuu yahay? 

Erayga Soomaali ama Soomaal Dadka Soomaalida sheegta yaalaa badankoodu laba siyaabood ayey ku suureeyaan ama ku qeexaan Hal ku dhiga ama waxa uu ka dhigan yahay Erayga Soomaali, 

Erayga Soomaali ama Soomaal waa laba Eray oo isku ladhan ama isku sidkan oo Hal eray oo isku-qaad ama isku-raran ah, waa SOO iyo MAAL, hase yeeshee Dadka qaar ayaa ku andacooda in Erayga Soomaali uu ka yimid ama kasoo Unkumay Erayga SO, oo lagu ladhay MAAL, oo noqonaysa Somaal, run ahaantii maaha wax suuro gal ah, waayo Erayga SO waa eray shaqal gaaban ah Halka Erayga Soomaali ugu horeeyaa uu yahay SOO-maali oo ah eray shaqal dheer ah, sidoo kale Erayga So, waa Eray ka dhigan ama macnihiisu yahay, SO=HILIB=CAD, sidaa aawadeed Erayga SO iyo Maal Af ahaan iskuma sidkami karmaan ama iskuma ladhmi karaan ama isma raaci karaan si ay eray u noqdaan, waayo? Cadka ama Soga ama Hilibku waa wax la quuto oo la raamsado oo lacuno, se wax dhaqma oo wax dheefle sii dhala ama kasii ukumaan maaha, Mana aha wax lasoo dhiijisto ama lasoo listo ama lasoo Maalo oo la dhamo ama la cabo maaha, sidaa aawadeed So’ ama Hilib ama Cad iyo Erayga Maal iskuma sidkami karmaan ama isma raaci karaan, halka Afka Hooyo marka Neef wayd ah la suuraynaayo ama la sheegaayo in uu yahay wayd aan lahayn Dux iyo Diir laga dheefo waxa la yidhaahdaa (SO iyo SAAN toona malaha, oo ka dhigan, HILIB iyo HARAG toona malaha), sikastaba ha ahaatee ereyga Maal oo ah eray Hor iyo Dib lagaga ladhmo ama laga eray raaco, sinaba Erayga SO’, kuma xidhiidhsami karo, halka ay ereyadan kale hor iyo Dib karaacaan Erayga Maal, 

Dib-ka-raac sida MAAL-qabeen oo ah taajir ama ruux Alle waxsiiyey, Maal-gashi oo ah ruux ama koox aduun geliyey meel ama mashruuc, MAAL-uruursi ama MAAL-uruurin, waa kharash ama Duunyo isku gayn, MAAL-xoogsi waa shaqo ama Hawl-qabad ku dheefid, iyo MAAL-layn oo ah Xoollayn. 

Hor-ka-raac, sida Biyo-MAAL oo ah Beeralay, Tun-MAAL oo ah Farsamo-yaqaan, Caano-MAAL oo ah goorta cuudka gorofka lala galo ee la MAALO, Af-MAAL oo ah Aftahan ama Afyaan ama Hadal yaqaan Jaajaale ah amaba Af-miishaar, Muruq-MAAL oo ah Xoog-MAAL ama Xoogsade, Xa-maal oo  Xanbaar-maal ah iyo SOO-MAAL oo……. Lasoco taxanaha. 

Afkii Hooyo waakane

Afkii Aabo aaway? 

Fuad Fartaag 

10-12-2022

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews