berberatoday.com
Sarkaalka Hoggaaminayay Afgambiga Fashilmay Ee Turkiga Oo La Magacaabay
July 16, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa goor dhow magacawday Sarkaalka hogaaminayay isku dayga afgambiga ee fashilmay oo lagu magacaabo Colonel Muharrem Kose.

SAKAL

Qaar ka mid ah saraakiisha hogaamineysay isku dayga afgambiga ayaa xabsiga la xiray, waxaana wakaalada ay soo warineysaa in tirada askarta iyo saraakiisha la xiray ay gaarayaan 754 askari.

Shacabka Turkiga oo ay wehliyaan Booliska iyo Sirdoonka ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga fashilmay, waxaana shacabka reer Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda.

Lama oga inuu Colonel Muharrem Kose uu ku jiro saraakiisha la xir xiray, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu sarkaalkan uu iminka yahay baxsad.

Waxaa goor dhow hawada ugu soo laabtay Telefishinka Qaranka oo ay xalay qabsadeen Ciidamada afgambiga damacsanaa.

Sidoo kale waxaa la baadigoobayaa saraakiil kale oo baxsad ah, kuwaasoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen isku dayga afgambiga.

Colonel Muharrem Kose ayaa waxaa horay looga eryay ciidamada, kadib markii lagu helay inuu taageero wadaadka Fethullah Gulen, kaasoo dowladda ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hada shir guddoominaya shir deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaasoo looga hadlayo xaalada soo food-saaray Turkiga.

Xaalada Turkiga ayaa caadi ku soo laabaneysa, iyadoo dadweynaha Turkiga ay waddooyinka isugu soo baxeen, iyagoo difaacaya dowladooda sharciga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa cambaareeyay isku dayga afgambiga, waxaana uu taageero u muujiyay dowlada la doortay iyo dimoqraadiyada.

Warbaahinta caalamka ayaa si toos ah uga hadlayay isku dayga afgambi ee fashilmay, waxaana Turkiga tan iyo sanadkii 1960 uu caan ku ahaa afgambiyada milateri.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews