Madaxdii Hore Ee Soomaaliya Oo War Kasoo Saaray Xiisadda Baydhaba Ka Taagan
December 26, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisal wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartan siyaasi ee xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, iyaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax walba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaadho xiisada taagan.